Rettsstaten // Dawlad sharci xukumo

Denne teksten om Rettsstaten finnes på flere språk. Teksten er hentet fra Zmekk.no og oversatt til flere språk av morsmål.no eter avtale med Bergen kommune. Tanken er at teksten skal være et supplement til andre læremidler og andre aktiviteter i opplæringen. Det er altså ikke meningen at disse ressursene skal stå alene, men at de kan brukes i innledning til arbeid med temaet.

Teksten kan, for eksempel, brukes sammen med tospråklig lærer for å aktivere elevenes kunnskaper om temaet, og å bidra til at eleven lærer fagspråk.

Scroll nedover for å finne flere ressurser.

Om rettsstaten – en film fra Zmekk. no
Zmekk.no

Waddan kastaa wuxuu leeyahay sharciyo iyo xeerar qof walba raacayo.

Laakiin waddamada qaar sharciyada si siman dadka uma qabtaan. Dadka qaar sabab la’aan baa la xiri karaa, halka qaar aan la ciqaabayn hadday jebiyaan sharciga.

Noorwey sidan maaha. Sababtuna waa Noorwey waa waddan sharci xukumo. Tan macnaheedu waa in dadku si isku mida sharciga u raacaan, oo maxkamaduhuna dadka sharciga jebiya ciqaab ku xukumaan.

Domstolene passer på at de som bryter loven får straff.

Waddamada aan sharcigu xukumin sharciyada sidan oo kale looma raaco. Tusaale ahaan maalqabeenada ama dadka awoodda leh waxay lacag siin karaan booliiska ama xaakinka si ay ciqaab uga badbaadaan.

Haddii ay gaari xoog u wadaan oo booliisku joojiyo, waxay lacag siinayaan booliiska si aan loo dacweyn. Tan waxa la dhahaa laaluush. Ama waxay garanayaan xaakinka oo sidaas darteed ciqaab yar lagu xukumayaa.

En sjåfør prøver å bestikke en tjenestemann

Waddamada aan sharci xukumin booliisku qofkuu rabo ayuu dembi la’aan u xiri karaa. Waxay sidani dhici kartaa haddii qofka fikradihiisa siyaasadeed  ama diintiisu ka duwan yihiin kuwa awoodda dalka haysta.

Satt i fengsel uten grunn

Noorwey sidan maaha. Noorwey qof kastaa wuxuu maraa maxkamad caddaalada haddii sharci jebin lagu eedeeyo, booliiskuna wuxuu ka shaqeeyaa in sharcigu dadka wada qabto, hanti ama awood kasta ha yeeshaane.

Haddii raysal wasaaraha Noorwey gaari xoog u wado, waxa loo ciqaabayaa sida qof kale loo ciqaabi lahaa. Sidan weeye marka waddan sharci xukumo lagu nool yahay.

Loven er lik for alle.

Laylisyo

  1. Maxay tahay sababta xasilooni uga jirin dal booliis xukumo?
  2. Xiriir noocee ah baa qofku la leeyahay booliiska waddanka aad u dhalatay?

Liis ereyo

Dal sharci xukumo – dal sharcigu si siman dadka u qabto
Dacwad – is maandhaaf uu xaliyo xaakin maxkamadeed
Dal boliis xukumo – dal hoggaamiyaashiisa iyo booliisku xiri karaan oo ciqaabi karaan qofkay rabaan
Laaluush – lacag sharci darro lagu siiyo shaqaale dowladeed si uu kuu caawiyo

Tekst og bilder er oversatt og publisert etter avtale med Zmekk.no