Sidee ayuu u dhacaa dhulgariirku?
Lyd1
Qalfoofka dhulka waxaa loo qeybiyaa toddobo saxamo oo waaweyn iyo dhowr yaryar. Saxamadani waxay u dhaqdhaqaaqaan iyada oo midba mid kale uu ku xiran yahay. Saxamadu si tartiib tartiib ah ayey u dhaqdhaqaaqaan, sannadkiiba waxay dhaqaaqaan dhowr sentimitir. Dhaqdhaqaaqyadan waxaa lagu magacaabaa howgal saxan. Saxamadu waa kala fogaan karaan, waa isku soo dhowaan karaan ama dhinac ayey isugu guuri karaan.
Dhulgariirka beriga
Mararka qaarkood waxaa dhaca in saxamo is dhinac socda marka loo fiiriyo xiriirkooda ay isku dhegaan. Markaas way joogsanayaan oo is cadaadinayaan. Markuu cadaadisku kordho, waxaa isku soo ururaya tamar badan. Ugu dambeyntii waxay awoodayaan saxamadii inay si degdeg ah u dabacsanaadaan, markaas ayaa tamartii la sii daynayaa. Tamarta qaarkeed waxaa loo wareejinayaa kul, qaarna hirar kuwaas oo dhaqaajinaya saxamada dhulka. Marka hirarkani ay xoog yeeshaan, qofku wuxuu dareemi karaa in dhulku uu ruxmayo. Tani waxa aan ku magacawnaa dhulgariir.
Dhulgariirku wuxuu badanaa ka dhacaa soohdimaha u dhexeeya saxamada dhulka. Barta hoose ee qalfoofka dhulka ee uu dhulgariirku ka kacay waxaa lagu magacaabaa xuddun ama diirad. Barta dhulgariirka waa barta ku taala dusha saxanka dhulka taas oo ku taala dusha xuddunta dhulgariirka.
Dhulgariir cabire ayaa loo adeegsan karaa si loo cabbiro qaddarka tamarta ee la soo daayey. Isbarbardhigga xogta laga helo dhulgariir cabirayaal dhowr ah, waxay suuragelinaysaa in la xisaabiyo cabbirka dhulgariirka iyo halka uu ka bilowday, taas oo ah halka ay xudduntiisu tahay. Miisaanka Rikhterka ayaa loo adeegsan karaa si’ loo qeexo inta uu le’eg yahay dhulgariirku. Miisaanku wuxuu u dhexeeyaa 1-10, oo haddii dhulgariirku ka xoog badan yahay 6 wuxuu keeni karaa dhibaato weyn. Waa waxaan suuragal ahayn in laga sii digo dhulgariir inta uusan dhicin, sidaa darteed way adag tahay in dadka la kulma dhulgariir ay yimaadaan goob aamin ah.