Svømming i skolen // Dabaayasha gudaha iskuulka
Maadada jirdhiska ardayda waxaa la bari doonaa dabaasha gudaha iyo dibadda. Iyada oo loo marayo waxqabadyo kala duwan, ardaydu waxay baran doonaan sida ay ugu badbaadi lahaayeen gudaha iyo agagaarka biyaha

Tababarka dabaashu wuxuu ka dhacayaa barkad. Wiilasha iyo gabdhuhu waxay qaadanayaan tababar wadajir ah, laakiin waxay ku bedelan karaan dharka dabaasha qolalka labiska ee u gaarka ah. Qolalka dhar-xidhashada, waad iska siibaysaa dharka ka dib waad qubaysanaysaa ka dibna waxaad xiranaysaa dharka dabaasha. Ardaydu waa inay soo qaataan saabbuun, shukumaan iyo dharka dabaasha.

Tababarku dibaddu wuxuu ka dhacaayaa biyaha dhanaan ama biyaha macaan. Wiilasha iyo gabdhuhu si wadajir ayey tababarka u qaadanayaan, laakiin waxay dharka dabaasha ku bedelanayaan si gooni ah. Dharka dabaashu waxay ku kala duwan yihiin kolba xilliga la joogo.

Inta lagu jiro tababarka, ardaydu waxay horumariyaan xirfadaha dabaasha, ka hortagga iyo maaraynta xaaladaha ku xeeran gudaha iyo hareeraha biyaha. Kuwani waa xirfado muhiim ah inaad leedahay markaad la dabaalanayso asxaabta wakhtiga firaaqada.

Ka waalid/mas’uul ahaan, waxaad muhiim u tahay waxbarashada ilmahaaga. Fadlan la xiriir iskuulka haddii aad wax su’aalo ah ka qabto waxbarashada.

For mer informasjon om opplæring svømming, se svømmedyktig.no
Utviklet av Nasjonalt senter for mat, helse og fysisk aktivitet i samarbeid med Nasjonalt senter for flerkulturell opplæring. Illustrasjoner av Thomas Madsen.