17. mai – Norges nasjonaldag// 17. Maajo – Maalinta Qaranka Norway

Denne teksten finnes på flere språk. Tanken er at teksten skal være et supplement til andre læremidler og andre aktiviteter i opplæringen. Det er altså ikke meningen at disse ressursene skal stå alene, men at de kan brukes i innledning til arbeid med temaet.

Teksten kan, for eksempel, brukes sammen med tospråklig lærer for å aktivere elevenes kunnskaper om temaet, og å bidra til at eleven lærer fagspråk.

17.maajo waa maalinta qaranka Norway. Waxaan u dabaaldegnaa in Norway ay heshay dastuurkeeda u gaarka ahaa taariikhdu markii ay ahayd 17.maajo 1814. Ka hor 1814 Norway waxa ay in ka badan afar boqol oo sano ka mid ahayd Danmark. Xilligaas boqorka Danmark ayaa ahaa madaxa ugu sareeya ee Norway, dadka Norwiijiga ahna waxa ay ahayd innay raacaan sharciyada lagu soo go’aamiyo Danmark. Sannadkii 1814 wax badan ayaa ka dhacay Yurub oo dadka Noorwiijiga ah waxa ay rajeynayeen in ay noqdaan wadan gaar ah oo leh shuruucdiisa u gaarka ah.

Dastuurka waxaa lagu qoray Eidsvoll

Sannadkii 1814 waxaa ku kulmay Eidsvoll 112 nin si ay u qoraan dastuurka Norway. Waxa ay ka kale yimaadeen meelo kala duwan oo Norway ah . Dhamaan kooxdaan ragga ka kooban ayaa lagu magacaabay Golaha boqortooyada <<Riksforsamlingen>>, waxayna isticmaaleen todobo usbuuc si ay u qoraan dastuurka. 17-kii Maajo ayaa la dhameeyey dastuurka, waxaana saxiixay Boqor Christian Fredrik, sidaa darteed waa maalinta tan lagu magacaabo maalinta qaranka Norway.

Maleri av 112 menn samlet på Eidsvoll for å skrive Norges grunnlov.
Maleriet heter Eidsvold 1814 og er malt av Oscar Wergeland. Kilde: Wikipedia

17-ka maajo waa maalinta calanka

17-ka maajo waa maalin fasax u ah ardayda dugsiyada iyo dadka waaweyn badankood. Waa maalin calan oo rasmi ah, taas oo ka dhigan in dhammaan dhismayaasha ay dowladdu ama degmadu leedahay, ay maalintaas calanka saaraan. Waxaa kale oo jira in badan oo shaqsiyaal gaar u saara calanka  maalinta 17-ka maajo. Calanka Norway waxaa la sameeyey sannadkii 1821. Waxa uu leeyahay midabada xorriyadda: guduud, caddaan iyo buluug. Iskutallaabtu waxa ay calaamad u tahay in Norway ay ahaato waddan masiixi ah.

Norske flagg, rød bakgrunn. blått kors og hvit kant rundt korset

Dhar xafladeed

Waa caadi in maalinta qaranka la xirto dharka ugu fiican. In badan waxa ay sidoo kale isticmaalaan dharka hidaha ama dharka kale ee qaranka. 17-ka maajo waxaa sidoo kale jira khudbooyin iyo xaflado lagu qabto duggsiyadaha, jardiinooyinka/beeraha lagu nasto ama bartamaha magaalada.

Saf-socod caruureed

17-ka maajo waxaa sidoo kale lagu magcaabaa maalinta caruurta. Waddanka oo dhan caruurta iskuulada saf-socod ayay socdaan, calanka ayey ruxaan, farxad ayey la qeyliyaan oo heesaan. Kooxaha muusikadana waa ay ciyaaraan. Maalintan dad badan ayaa ku heesa heesta qaranka ‘’ haa, waa jecelnahay’’ «Ja, vi elsker».. Qoraalka heesta qaranka waxaa sannadkii 1859 qoray gabayaagii caanka ahaa ee Bjørnstjerne Bjørnson. Sannadkii 1863 ayuu ina adeerkiis, Rikard Nordraak, qoray laxanka heesta qaranka.

Barnetoget i Oslo foran slottet. Kan du se kongefamilien på balkongen?
Blåruss og rødruss.

Dabaaldegga qalinjebiyayaasha

Qalinjebiyayaashu waxa ay u dabaaldeggaan in ay dhammeeyeen dugsigga sare. Qaarkood waxa ay iskuul dhigteen 13 sanno. Qalinjebiyayaashu waxa ay xirtaan dharka qalinjebiyayaasha. Badanaa waxa ay iyaga oo isticmaalaya qalin, dharka isugu qoraan salaammo. Qalinjebiyayaashu waxa ay leeyihiin xaflado badan inta lagu jiro bisha maajo.

In badan waxa ay leeyihiin baabuur ama basas u gaar ah kuwaas oo ay ku wareegaan oo ay ku ciyaaraan muusig cod dheer. Qaar badan sidoo kale waxa ay la kaftamaan macalimiintooda oo waxa ay soo kiciyaan xilli hore subaxa 17-ka maajo.  Meelo badan waxa ay qalinjebiyayaasha u aadaan socod u gaar ah halkaas oo ay ku ciyaaraan, ku heesaan, kuna soo bandhgaan riwaayado gaagaaban oo qosal ah.

Qoyska boqorka

Boqorka Norway waxaa lagu magacaabaa Boqor Harald, boqorradana waxaa lagu magacaaba boqorrad Sonja. Boqorka, boqorrada iyo qoyska boqorka intiisa kale waxa ay istaagaan balakoonka gurigga boqorka maalinta 17-ka Maajo sannad walba, waxa ayna gacanta u haatiyaan saf-socodka caruurta ee bartamaha Oslo.

Saf-socodka caruurta waxa uu kor u aadaa wadada weyn ee Oslo oo lagu magacaabo wadada Karl Johan. Saf-socodku waxa uu sii maraa guriga boqorka, oo dhammaan caruurtu iyo macalimiintu waxa ay gacmaha u haatiyaan/ruxaan qoyska boqorka. Qoyska boqorkuna dib ayey u soo haatiyaan gacmaha. Waxaa jira in ka badan boqol iskuul oo ka qeyb qaata saf-socodka caruurta ee bartamaha Oslo.

Kongefamilien vinker til barnetoget i Oslo. Fra venstre: prinsesse Ingrid Alexandra, prins Sverre Magnus, kronprinsesse Mette Marit, kronprins Haakon, dronning Sonja og kong Harald

Bilder i innlegget er hentet fra:

  • Bilde 1: Maleriet heter Eidsvold 1814 og er malt av Oscar Wergeland. Kilde: Wikipedia.
  • Bilde 2: Norges flagg.Vegard Ottervik,Pixabay
  • Bilde 3: Barnetoget i Oslo foran slottet.Morten Johnsen, Wikipedia.
  • Bilde 4: Russetog, Dmitry Valberg, Flicr. CC BY-NC-ND 2.0
  • Bilde 5: Kongefamilien på balkongen på slottet. Shutterstock.