Dom og straff // Xukun iyo ciqaab

Denne teksten om dom og straff finnes på flere språk. Teksten er hentet fra Zmekk.no og oversatt til flere språk av morsmål.no etter avtale med Bergen kommune. Tanken er at teksten skal være et supplement til andre læremidler og andre aktiviteter i opplæringen. Det er altså ikke meningen at disse ressursene skal stå alene, men at de kan brukes i innledning til arbeid med temaet.

Teksten kan, for eksempel, brukes sammen med tospråklig lærer for å aktivere elevenes kunnskaper om temaet, og å bidra til at eleven lærer fagspråk.

Scroll nedover for å finne flere ressurser.

Se mer på zmekk.no

Subaxnimo ayuu ogaaday Erik in baabuurkiisii la xaday. Waxa loo sheegay in Yoonis xaday baabuurka. Marka qof sharciga jebiyo booliiska ayaa baara. Waxa looga jeedaa booliiska ayaa ogaanaya waxa dhacay.

Waxay waraysanayaan dadka arkay ama wax ka maqlay, waxayna baarayaan goobta dembiga, oo ah meeshay wax ka dhaceen.

Booliiska waxay la tahay inay caddayn karaan in Yoonis xaday baabuurka.

Sidaas darteed waxa la qabtay dacwad maxkamad, halkaas oo lagu go’aaminayo inay sidani sax tahay. Dacwada waxa lagu qabanayaa maxkamad. Waxa ka jira Noorwey maxkamado kala duwan. Tan ugu hoosaysa waxa la dhahaa Maxkamadda degmada (Tingretten).

Halkan ayaa xeer-ilaaliyuhu, oo ah wakiilka booliiska, uu isku deyayaa inuu caddeeyo in Yoonis dembiile yahay. Yoonis wuxuu wataa qareen difaacaya.

Xeer-ilaaliyaha iyo qareenka difaacaya waxay soo wadanayaan markhaantiyo soo gudbinaya siday wax u dheceen. Garsooraha (xaakim) ayaa go’aaminaya in Yoonis dembiile yahay iyo in kale, iyo ciqaabta lagu xukumayo. Garsoorayaashu waa khubaro sharciyada iyo xeerarka aad u yaqaan.


Haddii qareenka Yoonis aanu ku qancin natiijada, waxa uu ka qaadanayaa ambiil oo loo dirayo maxkamadda gobalka (lagmannsretten). Tani wakiilka booliska wuu sameen karaa. Markaas waxa ay noqoneysaa maxkamad cusub.

Waxaa weheliya garsoorayaasha xeerbeegti (jury). Xeerbeegtigu waa dad shiciba oo ka qayb qaadanaya go’aaminta in eedaysanuhu dembiile yahay iyo ciqaab intee le’eg ee lagu ciqaabayo.

Waxaa jirta maxkamad saddexaad oo ku taal Noorwey lana yiraahdo Maxkamadda sare (Høyesterett). Hal mid keliya ayaana jirta, halkanna waxaa ambiil loogu qaataa kiisas gaar ah. Tusaale ahaan haddii la arko in Dastuurka ama xuquuqda bani’aadamka la jebiyey


Waxaa jira ciqaabo kala duwan oo lagu ciqaabo qofka jebiya sharciga.Sharci jebinta yar waxaa caadi ah in qofka la ganaaxo. Ciqaabtani waa in qofku lacag siiyo xukuumadda.

Waxa kale oo qofka lagu xukumi karaa inuu lacag la’aan bulshada ugu shaqeeyo muddo. Tan waxa la yiraahdaa adeeg bulsho (samfunnstjeneste).

Sharci jebinta waaweyn waxa lagu ciqaabaa qofka xabsi.

Noorweey ilmaha 15 sano ka yar laguma xukumi karo xabsi. Xukun dil ah ama xabsi daa’in ah kama jiro Noorweey. Ciqaabta ugu daran waa in xabsi 21 sano lagu xukumo.

Laakiin maxaabiista qaar baa aad u khatar ah in bulshada lagu sii daayo 21 sano ka dib. Markan oo kale waxa lagu sii xukumayaa in xabsiga lagu sii hayo, oo lama sii deynayo ilaa inta uu bulshada dhib u keenayn.


Liis ereyo

Baaritaan – baaritaan la sameeyo si loo ogaado waxa dhacay
Goob dembi – meel ay wax sharci darro ahi ka dhacday
Ambiil (racfaan) – in la dalbado in dacwad cusub la furo

Tekst og bilde er gjengitt og oversatt med tiltatelse fra Bergen kommune og zmekk.no