Valg og politiske partier // Doorasho iyo xisbiyada siyasaasiga

Denne teksten om Valg og Politiske partier finnes på flere språk. Teksten er hentet fra Zmekk.no og oversatt til flere språk av morsmål.no etter avtale med Bergen kommune. Tanken er at teksten skal være et supplement til andre læremidler og andre aktiviteter i opplæringen. Det er altså ikke meningen at disse ressursene skal stå alene, men at de kan brukes i innledning til arbeid med temaet.

Teksten kan, for eksempel, brukes sammen med tospråklig lærer for å aktivere elevenes kunnskaper om temaet, og å bidra til at eleven lærer fagspråk.

Scroll nedover for å finne flere ressurser.

Nuura hadda ayay 18 jirsatey oo way codayn kartaa doorashada. Ma hubtose xisbiga iyada ku habboon.

Waxaa jira xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan. Si ay u hesho mid ay u codayso, waa inay Nuura akhridaa qorshaha siyaasadeed ee xisbiyada. Qorshahaasina wuxuu warbixinno kooban ka bixinayaa siyaasada xisbiyada, waxay samayn doonaan iyo siday u hirgelinayaan qorshahaas.

Intaas waxa dheer Nuura waxay la soconaysaa wargeysyada iyo TV yada waqtiga doorashada ka hor. Halkaas oo ay ku kulmayaan hoggaamiyayaasha xisbiyada oo ka doodaya arrimo siyaasadeed oo muhiim ah. Xisbi kastaa wuxuu isku deyayaa inuu ka dhaadhiciyo bulshada inay u codeeyaan.

Labadii sanoba marbaa doorasho la qabtaa Noorwey, waxaana jira laba doorashooyin oo kala duwan. Kuwaas oo kala ah doorashada baarlamaanka, iyo doorashada degmada (lokalvalg). Qof kastaa oo dhalashada Noorwey haysta, oo 18 sano buuxinaya sanadka doorashdu dhacayso ayaa doorashada baarlamaanka codayn kara, halka doorashada degmadana aad codayn karto hadii aad Norway degenayd ugu yaraan 3 sano, 18 sanona aad buuxinayso sanadka doorashdu dhacayso.

Doorashada Baarlamaanka waxa loo codeeyaa xisbiga xubnaha baarlamaanka ee uga badan helaya. Xisbiyada codadka ugu badan hela ayaa xukuumad soo dhisaya oo ku heshiinaya raysal wasaare qofka noqonaya. Baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa maamula arrimaha waddanka oo dhan u muhiimka ah.

Mid ka mid ah arrimaha Nuura ugu muhiimsan waa in laga dhiso dhowr waddooyin oo bishkileeti (baaskiil) agagaarka deegaanka ay deggan tahay. Arrimahaas sida khaaska ah u khuseeya deggan kama shaqeeyaan xukumaddu iyo baarlamaanku.

Illustasjon av en jente på sykkel foran lokalpotitikere
Lokaldemokrati

Sidaa daraadeed ayaa Noorwey u leedahay dimoqraadiyad degmada ku saabsan (lokaldemokrati). Siyaasiyiinta degmadu waxay xiriir dhow la leeyihiin dadka degaanka oo ay dhegaystaan, siyaasadoodana ku tixgelinayaan waxa dadku u baahanyihiin.

Doorashada deegaanka waxaa lagu doortaa maamulka gobolku iyo degmadda. Maamulka gobolku wuxuu ka caawinayaa degmooyinka siday u wada shaqayn lahaayeen. Gobolku wuxuu kale oo masuul ka yahay dugsiyada sare, matxafyada iyo daryeelka caafimaadka ilkaha ee dadka gobolkaas deggan.

Golaha degmadda ayaa xukuma degmooyinka. Xisbiyada hela codadka ugu badan ayaa boos ka hela golayaasha degmooyinka. Gole kasta oo degmo waxaa hoggaamiya guddoomiye degmo. Degmadu waxay masuul ka tahay dugsiyada hoose, guryaha waayeelka, daryeelka bulshada, xadaanada caruurta iyo waddooyinka. Maamulka degmada ayaa go’ aamiya in waddooyin baaskiil la dhiso iyo in kale, sida ay rabtay Nuura

Nuura waxay helaysaa xisbiga ku dadaalaya dhisidda waddooyinka baaskiilka oo ayna u codaynaysaa doorashada degmadda. Haddii xisbigaasi helo codad ku filan waxay ka dhisayaan degmada waddooyinka baaskiilka.

Bilde viser en ordfører med kommunestyret
Ordfører i kommunestyre
NorskSomali
Partiprogram Qorshaha siyaasadeed ee xisbiga
Oversikt over hva et politisk parti mener og vil jobbe for. Qorshaha guud ee ku tusaya xisibiga siyaasidiisa iyo sida ay u shaqaynayaan.
Stortingsvalg Doorashada baarlamaanka
Valg av hvilke politiske partier som skal få plass på stortinget og danne regjering.Doorashada lagu dooranaya xisbiyada ku guulaysanaya kuraasida baarlamaanka, dawladana soo magacaabaya.
Lokalvalg Doorashada demadda
Valg av fylkesting og kommunestyre.Doorashada maamulka gobolka iyo degmadda
Fylke Qobolka
Et geografisk område. Fylkene er delt opp i kommuner.Aag dhuleed oo kooban. dhulkaas oo loo sii kala qaybiyo degmooyin
Kommune Degmo
Et geografisk område. Norge har mange hundre kommuner.Aag dhuleed oo kooban. Norway waxay leedahay boqollaal degmooyin oo kala duwan.

Les mer på Zmekk.no