FNs bærekraftsmål // Himilooyinka harumarinta joogtada ah ee Qaramada Midoobay
Ressursen er utviklet i samarbeid med FN-sambandet.
Dabargoynta saboolnimada
Dad aad u badan ayaa ku nool saboolnimo aad u daran. Si loola dagaalamo faqriga, dhammaan dadku waa inay si siman u helaan waxbarasho, shaqo iyo daryeel caafimaad. Intaa waxaa dheer, waa in ay jiraan farqi yar oo u dhexeeya danyarta iyo maalqabeenada – waa in aan si fiican u qaybinno lacagta, waddanka gudihiisa iyo wadamada kale dhexdoodaba.
Qofna waa inuusan gaajoon
Dad badan ayaa gaajo saamaysay, sannad walbana aad iyo aad bay u sii badanayaan. Kalabar dhammaan carruurta dhimata, waxay u dhintaan inay cunaan cunto qaldan ama cunto aad u yar. Sidaa darteed, waa in aan ku dadaalnaa in dadka oo dhami ay helaan cuntada ay u baahan yihiin.
Dadka oo dhami waa inay caafimaad wanaagsan helaan
Adduunka oo dhan caafimaadka dadku si joogto ah ayuu u soo hagaagayaa. Dad badan ayaa hela tallaalka, dadkuna waxay nool yihiin in ka badan wakhtigii hore. Si loo gaaro yoolka caafimaadka wanaagsan oo dadka oo dhan gaara, waa in ay dhamnaan dadku helaan daryeelka caafimaad iyo daawooyinka ay u baahan yihiin.
Qof kastaa waa inuu waxbarasho wanaagsan helo
Nasiib wanaag carruur badan ayaa wakhtigan loo oggolaaday inay aadaan dugsiyada marka loo eego wakhtigii hore. Sidaas oo ay tahay weli waxa jira carruur aad u tiro badan oo aan waxna akhrin waxna qorin. Sidaa darteed waa inay wadamada adduunku ka shaqeeyaan sidii dhammaan carruurtu u heli lahaayeen fursado waxbarasho oo isku mid ah, kuwaas oo tayo leh lacag la’aanna ah.
Gabdhaha iyo wiilashu waa inay helaan fursado siman oo gaarsiinaya nolol wanaagsan
Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay waxay khusaysaa dadka oo dhan. Sidaas oo ay tahay waxaa dunida ku nool dumar badan oo sabool ah marka ragga loo eego. Waxaa kaloo jira in wiilal badan loo oggol yahay inay aadaan dugsiyada marka loo eego hablaha. Si loo gaaro yoolka sinnaanta gabdhaha iyo wiilasha, waa inay wiilasha iyo habluhuba helaan waxbarasho, daryeel caafimaad iyo shaqo dakhli ka soo gelayo.
Qof kastaa waa inuu helaa biyo nadiif ah iyo musqulo ammaan ah
Adduunka waxaa laga helayaa biyo badan oo nadiif ah, laakiin dadka dhammaantood ma helaan biyo nadiif ah oo ay cabaan. Sannad walba waxaa xanuunyo u dhinta malaayiin qof, madaama aanay haysan biyo nadiif ah iyo musqulo. Sidaa darteed waa in aan meelaha ay ka maqan yihiin ka dhisnaa nidaamyo biyood iyo bulaacado.
Qof kastaa waa inuu awood u helaa inuu isticmaalo koronto aan waxyeellayn hawada iyo dhulka
Haddii aynu nahay bini’aadam waxaynu u baahanahay tamar si aynu u helno iftiin, kulayl, cuntana u karsano. Maanta qaybo badan oo ka mid ah bulshadu waxay u adeegsadaan cunto karinta tamar wasakhaynaysa hawada, taas oo keenaysa in hawada aynu neefosano ay khatar gasho. Biyaha, dabaysha iyo qorraxdu waa ilo tamareed oo la cusboonaysiin karo waxayna gacan ka geysan karaan gaaritaanka yoolka horumar waara.
Dadka oo dhani waa inay haystaan shaqooyin ammaan ah oo uu dakhli ku filani ka soo geli karo
Dad badan ayaa ka shaqeeya goobo shaqo oo aan tixgelin badbaadada iyo xuquuqda shaqaalaha. Carruurtu waxay la kulmaan inay shaqeeyaan ama xoog loogu shaqeysto. Si loo cirib tiro saboolnimada, loolana dagaalamo sinnaan la’aanta adduunka, waa in dadka oo dhani ay helaan shaqooyin ammaan iyo caddaalad ah.
Waa inaan abuurnaa waxyaabo cusub oo aan dhisno nidaamyo wanaagsan
Si ay bulshadu u shaqeyso, waxaa lagama maarmaan ah in la helo habab wanaagsan oo loogu talagalay isu socodka, garoomada diyaaradaha, jidadka tareenada, dhuumaha biyaha, bulaacadaha, goobaha qashinka, tamarta iyo internetka. Si loo gaaro yoolkaas waa inaan eegnaa sida ugu wanaagsan ee dhammaan dalalku ay uga faa’iideysan karaan kheyraadkooda iyo warshadahooda.
Waa inuu yaraada kala duwanaanshaha danyarta iyo maalqabeenada
Maanta waxaa jira farqi aad u weyn oo u dhexeeya maalqabeenada iyo saboolka. Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya wadamada gudahooda iyo marka wadamada lays barbar dhigo. Si loo gaaro yoolka kala duwanaanshaha yar, qof kastaa waa inuu si siman u helo waxbarasho iyo daryeel caafimaad. Intaa waxa dheer in khayraadka si cadaalad ah loo qaybiyo.
Magaalooyinka adduunku waa in ay dadka iyo dhulkaba daryeelaan
In ka badan kalabar dadka adduunka ku nooli waxay ku noolyihiin magaalooyinka. Magaalooyin badan ayaa si dhakhso ah u koraya oo aanay jirin shaqooyin iyo guryo ku filan qof kasta. Waa inaan dhisnaa magaalooyin waara oo tixgelinaya baahida dadka, iyada oo aanay waxyeelo u geysanayn cimilada.
Waa in aynaan samayn oo isticmaalin wax ka badan inta aan u baahanahay
Maanta waxaan isticmaalnaa wax aad uga badan inta dhulka uu awoodi karo. Waxaan tuurnaa saddex meelood meel kamid ah cuntada la sameeyo. Si aan si wanaagsan ugu noolaano, maanta iyo mustaqbalkaba, waa inaan bedelnaa qaab nololeedkeena oo aan isticmaalno wax yar. Waa lagama maarmaan in shakhsiyaadku iyo shirkaduhuba isticmaalaan wax yar oo ay daryeelaan cimilada.
Dhammaan dalalku waa inay ka wada shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa isbeddelka cimilada
Sida aynu u nool nahay bini’aadam ahaan waxa ay baabi’inaysaa cimilada. Cimiladu way sii kululaanaysaa, cirifyada adduunka ayaa dhalaalaya, baddu kor ayey u kacaysaa, masiibooyinka dabiiciga ah iyo cimilooyinka xad-dhaafka ah ayaa soo badanaya. Waxay taasi dhibaatada ugu weyn gaarsiinaysaa wadamada faqiirka ah. Dhammaan wadamadu waa in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay hawada ugu sii dayn lahaayeen gaasas aad u yar . Intaa waxaa dheer, waa inaan caawinnaa dalalka ay waxyeelada ka soo gaartay isbeddelka cimilada.
Nolosha biyaha hoostooda ah waa in si wanaagsan loola dhaqmaa
Nolosha dhulku waxay ku xidhan tahay tan badda. Heerkulka, mawjadaha badda iyo nolosha badda waxay ka dhigan tahay in bani’aadam haddii aynu nahay aan ku noolaan karno dhulka. Sidaa darteed, waa inaan ilaalinaa nolosha badda dhexdeeda ah, intii qashin lagu qubi lahaa oo la wasakheyn lahaa.
Nolosha dhulka waa in si wanaagsan loola dhaqmo
Qaybaha ugu badan ee dhulka dushiisa waa kayn. Kaynta ayaa hoy u ah xoolaha ugu badan, waana isha cuntada xoolaha iyo dadkaba. Si haddaba loo daryeelo nolosha dhulka, waa in aan ilaalinaa kaymaha roobka, abuurno geedo badan iyo in la ilaaliyo in dhulka saxaraha ahi aanu sii weynaan. Waa inaan sidoo kale ilaalinaa oo aan daryeelnaa noocyada xayawaanka ee dabar-go’a halista ugu jira.
Waa in nabad iyo cadaaladi ka jirtaa adduunka oo dhan
Nabad iyo cadaalad la’aan suurtagal ma aha in la abuuro horumar waara. Maanta dad badan ayaa barakac ku jira in ka badan sidii hore. Si loo gaaro yoolka nabadda iyo caddaaladda, dunidu waa inay abuurtaa bulshooyin nabaddoon ah oo daryeela qof kasta.
Waddamada qaniga ah iyo kuwa saboolka ahi waa inay wada shaqeeyaan
Dhammaan wadamada si ay u awoodaan inay gaaraan yoolalka waara, iskaashigu waa muhiim. Maamulka, shirkadaha iyo dhammaan muwaadiniintu waa in ay iskaashi la sameeyaan dalkooda iyo dalalka kaleba. Qaramada Midoobay waxay aaminsan tahay in dadaalka wadajirka ah ee noocaas ahi, oo ay la socdaan ujeeddooyin cadcad inuu keenayo natiijooyin.