
SAAXIRADDII DHEGDHEER
Heksen Dhegdheer

Beribaa waxaa jiray laba wiil oo walaalo ahaa oo ku noolaa tuulo ku taal Soomaaliya. Maalin maalmaha ka mid ah ayay go’aansadeen inay sahamiyaan kaynta ku taallay meel ka baxsan tuulada.
Waxay noqotay mugdi, kadib markii ay muddo dheer socdeen oo ay gurigoodii aad uga fogaadeen.
Det var en gang to brødre som bodde i en landsby i Somalia. En dag bestemte de seg for å utforske skogen utenfor landsbyen.
Etter at de hadde gått lenge og var langt hjemmefra, begynte det å bli mørkt.

Carruurtii waxay arkeen dab ololaya oo ka iftiimaya mugdiga, markaasay go’aansadeen inay u dhaqaaqaan dhankiisa. Markii ay u soo dhowaadeen, waxay arkeen qof fadhiya dabka agtiisa.
Waxay ahayd haweeney da’ weyn. Way u dhoolla caddaysay waxayna ku tiri: “Hubaal waad daallan tihiin? Kaalaya oo halkan ila soo fadhiista, waxaan idiinka sheekeyn doonaa sheeko”
Barna fikk øye på et bål som lyste i mørket, og bestemte seg for å gå mot det. Da de kom nærmere, så de at det satt noen ved bålet.
Det var en gammel dame. Hun smilte til dem og spurte: «Dere er sikkert slitne? Kom og sett dere her hos meg, så skal jeg fortelle dere en historie.»

“Beribaa waxaa jiray…” ayay ku billowday… “qoys yar oo ka koobnaa hooyo, aabbe iyo gabar yar.
«Det var en gang …» begynte hun… «en liten familie som bestod av en mor, en far og en liten jente».

Hooyada magaceedu wuxuu ahaa Ayaan, aabbahana waxaa la odhan jirey Cumar, gabadhoodana magaceedu wuxuu ahaa Sahra.
Moren het Ayaan, faren het Omar og datteren het Sahra.

Maalin maalmaha ka mid ah ayay waalidkii si weyn isku khilaafeen. Ugu dambayntii hooyadii aad bay u xanaaqday, markaasay Sahra u kaxaysatay banaanka.
En dag ble foreldrene veldig uenige. Moren ble til slutt så irritert at hun tok med seg Sahra for å gå seg en tur.

Sahra iyo hooyadeed waxay socdeen maalintii oo dhan, waxayna ugu danbayntii ku libdheen kaynta dhexdeedii. Waxay noqotay goor dambe, gurigoodiina aad bay uga fogaayeen. Qorraxdii way dhacday, kayntiina mugdi ayaa qariyey.
Sahra ayaa tiri: “Hooyo, aad baan u daalay. Intaa in ka badan ma socon karo!”
Isla markaas ayay hooyadii aragtay guri ku yaala bartamaha kaynta, waxayna go’aansatay inay eegto in cid guriga joogto.
Sahra og moren gikk hele dagen og havnet langt inne i skogen. Det begynte å bli sent, og de var langt hjemmefra. Solen hadde gått ned, og det var mørkt i skogen.
Sahra sa: “Mamma, jeg er så sliten. Nå orker jeg ikke å gå mer!”
Akkurat da fikk moren øye på et hus midt inne i skogen, og bestemte seg for å se om noen var hjemme.

Markii ay gaareen gurigii, ayaa albaabkii furmay. Waxaa albaabka hortiisa ka soo muuqatay haweeney dheer oo aad u qurux badan. Waxay xirnayd dirac dheer oo cad, dahab dhalaalaya, masar oranji ahina madaxa ayuu ugu duubnaa. Way u dhoolla caddaysay waxayna si diirran ugu soo dhaweysay inay guriga soo galaan.
Da de kom bort til huset, åpnet døren seg. En elegant, høy dame sto i døråpningen. Hun hadde på seg en lang, hvit kjole, blanke gullsmykker og et oransje hodeplagg. Hun smilte til dem og ønsket dem velkommen inn.

Gudaha guriga waxa ku yaalay qol weyn oo leh miis aad u ballaaran. Bartamaha miiska waxa saarnaa xeero weyn oo ay ka buuxday cunto macaan oo aad u udgoon. Haweeneydii waxay Sahra iyo hooyadeed ku casuuntay inay miiska soo fariistaan, waxayna u sheegtay inay cuni karaan inta ay doonaan.
Inne i huset var det et stort rom med et digert bord, og midt på bordet sto et xeero, et stort trefat, fylt med nydelig mat. Damen inviterte Sahra og moren til å sette seg ved bordet og sa at de kunne spise så mye de ville.

Markii ay cuntadii dhammeeyeen, Sahra waxay ka kacday miiskii waxayna daaqadda ka eegtay bannaanka. Haweeneydii guriga lahayd ayaa bannaanka u baxday, Sahrina waxay aragtay iyada oo ku wareegaysa dab bannaanka guriga ka shidnaa, iyadoo ciyaaraysa.
Si lama filaan ah ayay haweeneydii iska siibtay masarkeedii, waxaana ka soo baxay laba dhegood oo dhaadheer. Sahra waxay maqashay iyada ku heesaysa:
“Dadka baqayaa waa cunto aan fiicnayn,
laakiinse dadka faraxsani saxanka ayay ku wanaagsan yihiin!”
Da de var ferdige med å spise, gikk Sahra fra bordet og tittet ut av vinduet. Damen som bodde i huset hadde gått ut, og Sahra så henne danse rundt et bål utenfor huset.
Plutselig tok damen av seg hodeplagget, og ut falt to lange ører. Sahra hørte henne synge:
«Skremte folk er dårlig mat, men glade folk er gode på fat!».

Sahra aad bay u argagaxday! Hooyadeed ayaa daaqadda timid oo dibadda eegtay. Markaas ayay tiri:
“Bal eeg dhegahaas dhaadheer! Taasi waa saaxiraddii Dhegdheer!”
Isla markiiba waxay gacanta qabatay Sahra, waxayna ka carareen gurigii iyagoo ordaya.
Sahra gispet! Moren kom bort til vinduet og så ut. Hun utbrøt: «Se på de lange ørene! Det er jo heksen Dhegdheer!» Hun tok Sahra i hånden og løp ut av huset.

Waxay ku carareen kaynta dhexdeeda, iyagoo maqlaya saaxiraddii Dhegdheer oo gadaashooda ku heesaysa:
“Dadka baqayaa waa cunto aan fiicnayn,
laakiinse dadka faraxsan saxanka ayay ku wanaagsan yihiin!”
De løp gjennom skogen mens de hørte heksen Dhegdeer synge like bak dem:
«Skremte folk er dårlig mat, men glade folk er gode på fat!».

Waxay gaareen webi, markaasay maqleen cod ay si fiican u garanayeen oo qaylinaya: “Ayaan! Sahra iigu soo tuur dhinacan!”
Wuxuu ahaa Cumar, Sahra aabeheed. Hooyadii waxay Sahra u tuurtay dhinicii kale ee webiga, ka hor intaanay iyaduna isku tuurin wabiga. Waxay ugu dabaalatay dhinaca kale sida ugu dhakhsaha badan.
De kom til en elv og hørte en velkjent stemme rope: «Ayaan! Kast Sahra over!» Det var Omar, pappaen til Sahra. Moren kastet Sahra over, før hun selv hoppet ut i elven. Hun svømte over til den andre siden så fort hun kunne.

Saaxiraddii Dhegdheer may dabaalan karin, sidaas darteedna way gaari weyday.
Heksen Dhegdheer kunne ikke svømme og fikk derfor ikke tak i dem.

“Qoyskii yaraa mar kale ayey midoobeen. Wayna isku soo boodeen iyagoo faraxsan”, ayay haweeneydii ku soo gabagabaysay sheekadii iyagoo dabka agtiisa fadhida.
Labadii carruurta ahaa waxay u arkeen sheekada qoyska iyo saaxiraddii Dhegdheer mid xiiso badan. Waxayna ku farxeen in sheekadu ku dhammaatay wanaagsan oo farxad leh.
“Den lille familien var sammen igjen. De holdt rundt hverandre og var lykkelige”, fortalte den gamle damen ved bålet og avsluttet historien.
De to barna synes fortellingen om familien og heksen var spennende, og de var glade for at historien hadde en lykkelig slutt.

“Aad bay u fiican tahay inaad sheekada jeclaateen,” ayay tiri haweeneydii da’da weynayd, intay si tartiib ah u istaagtay. Waxay iska siibtay masarkeedii, waxaana ka soo dhacay laba dhegood oo dhaadheer. Labadii walaalaha ahaa aad bay ula yaabeen oo neefta ayaa ku dhegtay!
Saaxiraddii ayaa eegtay iyaga oo qosleysa, dabadeedna waxay bilowday inay heesto:
“Dadka baqayaa waa cunto aan fiicnayn,
laakiinse dadka faraxsani saxanka ayay ku wanaagsan yihiin!”
Sheekow sheeko, sheeko xariir ah, Sheekadii halkaa bay ku dhammaatay.
«Så bra at dere likte historien», sa den gamle damen og reiste seg sakte. Hun tok av seg hodeplagget, og ut falt det to lange ører. Brødrene gispet!
Heksen så på dem og lo, og så begynte hun å synge:
«Skremte folk er dårlig mat, men glade folk er gode på fat!».
Snipp, snapp, snute, så var eventyret ute.
Heksen Dhegdheer//Saaxiraddii Dhegdheer
Illustrasjoner og forsidedesign: Mari Helén Holum med innspill av forfatter og kulturformidler Ali Mohammed og lærer Sid Omar Mohamud Ahmed
Revidert i 2026 av Nasjonalt senter for flerkulturell opplæring
Oversettelse til somali og norsk bokmål: Sid Omar Mohamud Ahmed
Korrektur og lyd på somali og norsk bokmål: Ali Mohammed
ISBN:
Copyright © 2026 · NAFO
Lisensiert under en CC BY-NC-ND 4.0 Navngivelse-IkkeKommersiell-IngenBearbeidelser 4.0 Internasjonal lisens.




Du finner flere flerspråklige fortellinger gratis på morsmål.no/fortellinger
![]()
Der finner du også tilleggsressurser og lydstøtte til fortellingene.
Copyright © 2026 · NAFO
Lisensiert under en CC BY-NC-ND 4.0 Navngivelse-IkkeKommersiell-IngenBearbeidelser 4.0 Internasjonal lisens.