Hva er demokrati?// Waa maxay dimuqraadiyadu?

Denne teksten finnes på flere språk. Teksten er en litt bearbeidet versjon av fagteksten med samme tittel på NDLA.no. NDLA er forkortelse for Nasjonal digital læringsarena. NDLA produserer gratis læringsressurser for videregående opplæring. Oversettelsene til ulike språk kan brukes i innledning til arbeid med temaet. Teksten kan også brukes sammen med tospråklig lærer for å aktivere elevenes kunnskaper om temaet, og til å bidra til at eleven lærer fagspråk.

Kilde: Zakariassen, E. S. (2024, 5. mars). Hva er demokrati?. NDLA. https://ndla.no/r/samfunnskunnskap/hva-er-demokrati/d3692431fa

Dimuqraadiyaddu waxay ka dhigan tahay inay dadku leeyihiin awoodda xukunka. Laakin maxay ka dhigantahay in waddanku noqdo mid dimuqraadi ah? Ma ku filan tahay in qof kastaa xaq u leeyahay inuu wax  dooran karo, mise wax kale ayaa jira?

Fotografi av en hånd som holder en stemmeseddel delvis inne i sen orange stemmeurne

Xaqa codbixinta doorashada siyaasadeed waa xuquuq aasaasi ah oo dimuqraadi ah

Noocyada kala duwan ee dimuqraadiyadda

Inta badan wadamada adduunka waxay isku magacaabaan dimuqraadi. Qaar badan oo ka mid ah wadamadan ayaa leh dimoqraadiyad u shaqeysa si liidata. Xaaladaha qaarkood waxaan ugu yeeri karnaa wadamadan  dimoqraadiyad been abuur ah. Waa wadamo isku daya in ay u muuqdaan in ay yihiin kuwa dimuqraadi ah, tusaale ahaan in ay doorasho qabtaan, laakiin aan la odhan karin dimuquraadi, sababtoo ah, waxaa jira musuqmaasuq baahsan ee doorashada la xiriira , xuquuq la’aan siyaasadeed, ama xaqiiqda ah in qof aan ahayn mas’uuliyiinta la doortay uu si dhab ah u maamulo dalka.
Inta badan waxaa jira laba siyaabood oo kala duwan oo loo abaabulo dimoqraadiyad: dimoqraadiyad toos ah iyo dimoqraadiyad dadban (oo sidoo kale loo yaqaan dimoqraadiyadda wakiillada).

Dimuqraadiyad toos ah

Dimuqraadiyadda tooska ah waa dimoqraadiyadaha su’aalaha la xiriira  siyaasadda ay si toos ah u go’aansadaan dadku, iyadoo afti laga qaadayo. Ma jiro waddan hadda ah dimoqraadiyad toos ah, oo saafi ah, laakiin wadamada qaar  ayaa isticmaala afti in ka badan kuwa kale. Dalka Norway, aftidii ugu dambaysay ee heer qaran ayaa dhacday sannadkii 1994-tii markaas oo dadka Norway ay u codeeyeen inay ka mid noqon karaan Midowga Yurub iyo in kale .

Dimoqraadiyad aan toos ahayn

Dimuqraadiyadda dadban ama dimuqaadiyadda wakiillada, waa qaab dimoqraadiyadeed, oo ay dadku u doortaan wakiillo iyaga matala oo u maamula dalka. Dhammaan wadamada dimoqraadiyadda casriga ah waxaa lagu maamulaa habkan.

Foto av en blå skive med teksten EU. til høyre står det Ja, og til venstre står det nei. Den røde pila står på nei-siden
Sawir ku tusinaya aftidii EU-da ee Norway sanadkii 1994. Tani waxay ahayd markii ugu dambeysay ee Norway ay isticmaasho dimoqraadiyad toos ah oo heer qaran ah. Ma garanaysaa  afti kale oo noocaas ah?


Maxaa dal ka dhiga dimuqraadi ?

Erayga dimuquraadi waxa uu ka kooban yahay ereyada Giriigga ah demos (dadka) iyo kratos (xukun) oo macneheedu yahay inay dadku xukumaan. Fikradda ah in qof kastaa awood u yeesho inuu saameyn ku yeesho sida bulshada loo maamulo, waxay ku salaysan tahay fikradda ah in dhammaan dadku ka siman yihiin wax kasta, sida ku cad qodobka 1aad ee Baaqa Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha:

Dhammaan bini’aadamku waxay dhasheen iyagoo xor ah oo ka siman xagga sharafta iyo xuquuqda, Waxa loo yeelay caqli iyo damiir. waana inay midba midka kale ula dhaqmaa si ay ku dheehan tahay niyad- walaalnimo” ( Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, 1948, qadobka. 1aad.

Halkan waxaan ugu horeyntii u tixgelin doonaa dimuqraadiyadda qaab maamuleed oo waddan ka jira. Waxaan sidoo kale ka heli karnaa dimuqraadiyad, ama wax la mid ah, naadiyada isboortiga, ganacsiyada, dugsiga, qoyska iyo asxaabta dhexdooda.

Dadka badankiisu waxay u badan tahay inay ereyga dimuqraadiyadda la xidhiidhiyaan waddamada ay ka dhacaan doorashooyin siyaasadeed iyo xuquuqda codbixinta ee leeyihiin dhammaan muwaadiniinta qaangaarka ah. Maxayse ka dhigan tahay in dal ay dadku maamulaan? Si aan u ogaano, aan si qoto dheer u eegno saddex qodob oo muhiim ah oo ay tahay in ay jiraan si uu waddanku u sheegto in uu yahay mid dimuqraaddi ah:

  1. Xuquuq dimuqraadi ah oo siman
  2. Fursadaha dimoqraadiyadda oo  loo siman yahay
  3. Ilaalinta danaha shaqsiga iyo dadka laga tirada badan yahay

Xuquuqda dimoqraadiyadda loo siman yahay

Waxa ugu muhimsan ee uu wadan isku magacaabo dimuqraadi, waa in qof kastaa leeyahay xuquuq dimuqraadiyadeed oo siman. “Qof walba” badanaa waxa loola jeedaa dhammaan dadka waaweyn ee haysta dhalashada waddanka. Xuquuqaha dimuqraadiga ah ee loo siman yahay waxaa lagu sugaa xaqa codbixinta, xoriyatul qawlka iyo xoriyadda ururrada.

Xuquuqda cod bixinta

Codbixintu waa laga yaabaa inay tahay xuquuqda siyaasadeed oo udub dhexaad u ah dimuqraadiyadda. Tusaale ahaan Norway dhammaan muwaadiniinta Norway ee da’doodu ka weyn tahay 18 sano waxay xaq u leeyihiin inay ka qaybgalaan doorashada baarlamaanka. Waxaa jira tusaalooyin badan oo kooxaha kala duwan ee bulshada oo aan xaq u helin  wakhtigii hore inay wax doortaan. Tusaale ahaan, haweenka, dadka saboolka ah iyo qowmiyadaha kala duwan ayaa laga mamnuucay inay ka qaybqaataan doorashooyinka dalal badan – oo ay ku jirto Norway. Wadamada qaarkood  tani waa xaalad weli ka sii jirta. Xayiraadaha noocan oo kale ah ee xuquuqda codbixinta ayaa ka dhigaya waddan mid aan dimuqraadiisu dhameystirnayn.

Si xuquuqda codeyntu ay macno u yeelatao, waxaa muhiim ah in doorashada loo habeeyo qaab loo arki karo inay tahay dimuqraadi iyo xalaal.Sidaa darteed waa inay jirtaa nidaam ka hortagaya khiyaanada iyo wax ka bedelka oo lagu magacaabo doorasho-ku-shubasho. Natiijada doorashadu waxay macno u sameynaysaa siyaasadda looga dhaqmo waddan. Taas macnaheedu waa waa in dadka la doortay ay awoodda lahaadaan. Waxba ma caawinayso in doorasho la qabto haddana dad aan ahayn dadkii la doortay ay kursigi awoodda ku fadhiistaan.

foto av en kvinnehånd som holder fram pekefinger som er merket med blekk
Wadamo badan dadku waxay farahooda ku calaamadiyaan khad si ay uga hortagaan dadku inay codeeyaan wax ka badan hal mar doorashooyinka siyaasadda. Halkan, haweeney waxay muujineysaa inay dhiibatay codkeeda. Waa maxay sababta ay ugu filnaan la’dahay in dadku ay awoodaan in ay u codeeyaan doorasho si waddan loogu yeero dimuqraadi?


Xoriyadda hadalka  iyo xoriyadda ururka

Saamaynta siyaasadeed way ka badan tahay xaqa cod bixinta. Intaa waxaa dheer, qof kasta oo ku nool dal  dimuqraadi ah wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qayb qaato arrimaha siyaasadda. Tani waxay khusaysaa da’ kasta. Waxaan maqaal ku qori karnaa joornaalka,  waxaan ka qayb qaadan karnaa banaanbax, waxaan bilaabi karnaa ololaha saxiixa , ama ku biiri karnaa urur shaqaale ama xisbi siyaasadeed, isuna  sharxi karnaa siyaasi ahaan. Si taas loo xaqiijiyo waxaan haysanaa xorriyadda ururada iyo xorriyadda hadalka. Kuwani waa xuquuqaha uu qof walba ku leeyahay dimuqraadiyadda.

Fursadaha dimuqraadiga ah ee loo siman yahay

Dimuqraadiyad si fiican u shaqeysa waa in ay hiigsataa in dad badan intii suurtagal ah, ay ka qayb qaataan dimuqraadiyadda. Marka aad codaynayso doorasho siyaasadeed, waxaad mabda’ ahaan awoodda siisay  dadka aad u codaysay in muddo ah. Norway xilliyadaasi waa afar sano. Taas macnaheedu waa in cidda la doortay ay ka awood badan tahay kuwa kale, laakiin si looga hortago in dadka la doortay ku takrifalaan awoodda loo dhiibay, waa in la xaddidaa.
Si loo xaqiijiyo fursadaha dimoqraadiyadeed ee ugu sinnaanta badan ee suurtogalka ah, waa in aan helnaa inta ugu badan ee suurtogalka ah ay ka qaybqaataan dimuqraadiyadda. isla markaana aan xaddidno awoodda kuwa la soo doortay. Waxaa jira dhowr siyaabood oo tan loo sameeyo. Waxaan eegi doonaa qaar ka mid ah.

Tirada codbixiyayaasha oo kordhay

In kasta oo qof kastaa uu leeyahay xuquuq siman oo uu kaga qayb-qaadan karo siyaasadda saamayna ku yeelan karo, taasi macnaheedu maaha in qof kastaaba sidaas sameeyo ficil ahaan. Marka hore dadku waxay dooran karaan inaanay codayn doorashooyinka. Doorashadii golaha wakiiladda ee 2021, in ka badan 20% codbixiyayaashu maysan isticmaalin xuquuqdooda inay wax doortaan. Ficil ahaan  way adag tahay in qof kastaa uu codeeyo, laakiin waa yoolka dimoqraadiyadda sida Norway oo kale, in inta ugu badan ee suurtogalka ah ay codeeyaan doorashada.

Helitaanka aqoon iyo xog

Si ay dadku u fahmaan nidaamka siyaasadeed, ulana socdaan, waxaa lagama maarmaan ah aqoonta iyo helista xogta. Waddamada qaarkood, way adag tahay in la gaadho dimoqraadiyad, sababtoo ah  akhris iyo qoris  la’aanta  oo ah mid aad u saraysa, dad badani ma akhrin karaan waxna ma qori karaan. Sidaa darteed, xaqa waxbarasho ayaa ah shardi muhiim u ah in dimuqraadiyadu shaqeyso.

Bilde av elever som slitter i klassen. Noen av dem rekker opp hånda.
Nidaam waxbarsho oo wanaagsan ayaa aasaas iyo muhiim u ah dimuqraadiyadda. Weligaa ma ku fikirtay xaqiiqda ah, inaad hadda fadhido oo aad wax ka akhrido dimuqraadiyadda, dhab ahaantii waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dimuqraadiyadda?


Marka laga yimaado waxbarashada, waa in qofku uu la socon karaa siyaasadda dalka ka socota. Dimuqraadiyaddu waxay u baahan tahay saxaafad xor ah oo madax bannaan kana warami karta waxa dhacaya, soo gudbin karta fikrado kala duwan, soona bandhigta xaaladaha diidmada ah ee bulshada. Iyada oo aan la faafreebin. Marka qof kastaa helo waxbarasho iyo warbaahin, qof kastaa wuxuu sidoo kale fursad u helayaa inuu ka qaybqaato dimuqraadiyadda.

Qaybinta awoodda

Xubnaha baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa ka awood badan dadka intiisa badan. Sidan waa inay noqotaa dimuquraadiyadda wakiillada  ee aynu u dooranno ee dalka maamula iyagoo  wakiil inaga ah. Laakiin waxaa jira dhowr siyaabood oo lagu xaddido awooddan, si aan uga fogaanno ku-takri-falka awoodeed. Inta badan wadamada dimoqraadiga ahi, waxay raacaan waxa loogu magacaabo mabda’a kala qaybinta awoodaha. Taas macnaheedu waa in hawlaha ugu muhiimsan ee dowladu  ay u qaybsan yihiin saddex hay’adood oo kala duwan.

Nooca awoodda

Hawsha

Hay’ad

Sharci-dejin

Inay sameeyaan sharciyo iyo miisaaniyad

Golaha la doortay (Norway: Baarlamaan)

Fulinta

Inay hubiyaan in waxa laanta sharci-dejintu ay go’aamiso la fuliyo

Dowladda

Garsoor

Inay turjumaan sharciyada oo ku xukumaan sida sharcigu qabo

Maxkamadaha

Awood qaybsiga ee dad ama hay’ado kala duwan, ayaa inta badan loo adeegsadaa meelo ka badan marka loo eego saddexda waaxood ee ay dawladda ka kooban tahay. Tusaale ahaan, Norway waxa loo igmaday qaar ka mid ah awoodaha golaha deegaanka ee degmooyinka iyo gobolada.  Awood qaybsiga noocaas ah waxaan ahayn, waxa ay noqonaysaa kalitalisnimo. Halkaas oo awoodda oo dhami hal qof go’aamiyo.

In laga hortago musuqmaasuqa iyo ku xadgudubka daacadnimada

Haddii qof uu helo awood siyaasadeed oo badan sababtoo ah wuxuu haystaa lacag badan ama sababtoo ah waxay saaxiibo dhow yihiin ama qoys ay yihiin qof dawladdda ku jira. Tani waxay noqon kartaa dhibaato xaga dimuqraadiyadda. Bal qiyaas hoggaamiye ganacsi oo taajir ah, oo siyaasiyiinta siinaya lacag si ay ugu codeeyaan arrin ay shirkaddu doonayso inay lacag ka samayso. Taas waxaa loo yaqaan musuqmaasuq waana sharci darro. Dimuqraadiyad si fiican u shaqeysa waxay leedahay musuqmaasuq yar.

Haddii uu siyaasigu go’aansado si uu naftiisa, saaxiibka ugu dhow ama xubnaha qoyska uga faa’iideeyo, siyaasigaasi waxa uu gef ku yahay daacadnimada. Tusaale ahaan haddii kiis ka soo baxo  wasiirka warshadaha iyo ganacsiga oo ay qof saaxiibo dhow yihiin ama qaraabo dhow yihiin ku saabsan, wasiirku waa inuu caddeeyaa in aanu ka qayb qaadan karin kiiskaas. Taas macneheedu waxa weeye in uu caddeeyo in aanu qaadi karin kiiska sababo la xidhiidha, xidhiidhka adag oo uu la leeyahay qofkan si aanu  lug ugu yeelan  kiiskan. Haddii qof ka tirsan dowladda uusan ku sheegin kiisaska noocaas ah, oo uu ku xadgudbo qawaaniinta daacadnimada, waxay inta badan keentaa inuu isaga tago dowladda. Kiisaska halista ah wuxuu ku mutaysan karaa ciqaab.

Shuruucda ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo ku xad-gudbida daacadnimada ayaa loogu talagalay in lagaga hortago in qof awood badan ku yeesho, kaliya inuu haysto lacag badan ama uu yaqaan qof awood leh.

Wax ku saabsan filimka hoose

Filimka gaaban ee hoose wuxuu ka saabsan yahay arrimaha dhexdhexaadnimada iyo kalsoonida siyaasiyiinta. Filimku waxa uu ku baxayaa af Noorwiiji, waxaana halkan ku yaal sharaxaad ku saabsan waxa ku jira filmka:

Bal qiyaas in waddo weyn laga dhisayo meesha aad ku nooshahay. Wadadani waxa ay si toos ah u maraysaa beerta maayarka walaalkii. Isla markiiba maayarka ayaa go’aankiisii ​​bedelay, oo yidhi maya dhismaha wadada. Waxa uu sheegay in ay sabab u tahay wadadu oo deegaanka u xun. Hadda way adag tahay in la ogaado sababta uu maayarku uu yiri maya dhismaha wadada. Ma in la ilaaliyo deegaanka, mise  sababta dhabta ah ay tahay inuu badbaadinaayo  beerta walaalkii. Hubanti la’aantan awgeed, maayarku dhexdhexaad kama noqon karo kiiskan, sidaas darteed ma qaadi karo kiiska waddada weyn. Degmadu waa in ay raadisaa qof kale oo  bedela duqa magaalada kiiskana qaada. Siyaasiyiintu waa inay hubiyaan in dadku ay kalsooni ku qabaan, marka ay wax go’aansanayaan, sababtoo ah u jeedadu waa inay  waxa ay go’aansanayaan ay u fiican yihiin bulshada.



Ilaalinta danaha shaqsiyaadka iyo dadka laga tirada badan yahay

Dimuqraadiyadda inta badan ayaa wax go’aansata. Laakiin maxaa dhacaya haddii inta badan ay go’aansadaan in ay raacdaynayaan  shakhsiyaad ama kooxo gaar ah oo bulshada ka mid ah ? Ma laga yaabaa in qof laga qaado gurigiisa, xaquuqda codbixinta, xorriyadda hadalka ama muwaadinnimada? Ma laga yaabaa in qof loo taxaabo  xabsiga ama lagu fuliyo xukun la’aan? Dhammaan kooxaha bulshada waa laga hor istaagi karaa inay ku dhaqmaan diintooda ama dhaqankooda. Kooxaha laga tirada badan yahay xitaa waa la isku dayi karaa in la dabar gooyo. Waxaas oo dhami waxay maanta ka dhacayaan  waddano  isku sheega dimuqraadi. Sidaa darteed, shakhsiyaadka iyo kooxaha laga tirada badan yahay waxay u baahan yihiin xuquuq ka hortagaya xadgudubka iyo takoorka.

Sort-hvitt foto av en mann som står i en åpen bil. Det er tett i tett med folk rundt bilen.
//In kasta oo Adolf Hitler uu si degdeg ah u aasaasay kelitalisnimo dalka Jarmalka, haddana markii hore si dimuqraadi ah ayaa loo doortay. Isla markii uu ku guuleystay doorashadii 1933-dii, waxaa Jarmalka ka bilowday cadaadis lagu hayo Yuhuuda iyo kooxaha kale ee laga tirada badan yahay. Dalka Jarmalka bilowgii 1933 ayaa tusaale u ah sida go’aanka inta badani ay u horseedi karto xadgudubyo naxariis darro ah oo ka dhan ah dadka laga tirada badan yahay iyo shakhsiyaadka.


Hubinta sharciga

Hubinta sharciga waa mabda’ muhiim u ah dimuquraadiyadda waana in uu qofka ka ilaaliyaa in si khaldan loo xukumo ama loo geysto sharci darro. Waa kuwan qaar ka mid ah mabaadi’da ay tahay in sugnaadaan marka la fiiriyo hubinta sharciga:

  • Dhammaan go’aanada ay gaaraan mas’uuliyiintu waa inay raacaan shuruucda dalka.
  • Qofna lama ciqaabi karo maxkamad la’aan.
  • Waxaad xaq u leedahay in kiiskaaga lagu xukumo maxkamad dhexdhexaad ah.
  • Qofna  dambiile ma aha ilaa lagu caddeeyo dambiga.
  • Qof kastaa waa u siman yahay sharciga; waa in aysan jirin takoorid aan cadaalad ahayn.
  • Dhammaan dhinacyada dacwadi ka dhaxayso  waa inay helaan fursad ay ku cabbiraan ra’yigooda ku aaddan kiiska.

Xuquuqda ilaalisa dadka laga tirada badan yahay

Xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, waxaa udub dhexaad u ah  ilaalinta dadka laga tirada badan yahay iyo kooxaha nugul.  Dadka asal ahaan degen wadan waxay leeyihiin ilaalin gaar ah. Waana kooxo ka duwan kuwa ugu badan ee dalka ku nool, dadkaas oo dalka ku noolaa muddo dheer ka hor inta aan la dhisin xuduudaha qaranka iyo dawladnimada. Dadkaas ayaa inta badan lagula kacay takoorid iyo xadgudubyo uga imaanayay maamulka iyo dadka intiisa badan. Xuquuqda dadka asaliga ah waxaa loogu talagalay in lagu hubiyo in takoorka iyo xadgudubka noocaas ahi uusan dhicin, iyo in dadkaas laga caawiyo ilaalinta dhaqankooda iyo afkooda.

Norway waxaa ku nool dad asal ahaan u degenaan jirey oo lagu magacaabo reer Saam. Laakiin waxa kaloo ku nool shan qoomiyadood oo kala duwan oo ah kuwa laga tiradda badan yahay waxayna kala yihiin shantaasi  kvener/norskfinner, skogfinner, yuhuuda, romer iyo dadka romani/tataarka. Waa qoomiyado leh dhaqan u gaar ah, oo wadanka xiriir soo jireen ah la leh. Dadka laga  laga tirada badan yahay ee qaranku waxay leeyihiin wax ka mid ah xuquuqaha ay leeyihiin dadka asaliga ah, laakiin dadka asaliga ah waxay leeyihiin ilaalin xooggan meelaha qaarkood.

Dimoqraadiyada qofna laguma takoori karo ama cadaadis lama saari karo sabab kastaba ha ahaatee. Norway waxaa ka jira sharciyo noo gaar ah oo naga ilaalinaya in nala takooro, tusaale ahaan, diinta, qowmiyadda, jinsiga, arrimaha la xiriira jinsiga, aqoonsiga jinsiga ama naafanimo.

Xuquuqaha ilaalinaya dadka laga tirada badan yahay waa lagama maarmaan, si ay inoo xusuusiyaan waxa aasaaska u ah dimoqraadiyadda taas oo ah in dhammaan bani-aadmigu ay dhasheen iyagoo xor ah oo ay ka siman yihiin sharafta iyo xuquuqda.

Shaqadu waxay ka kooban tahay erayo muhiim ah oo ku jira qoraalka norwejiga.

  • U turjun erayada adigoo isticmaalaya LEXIN ama si kale
  • Tiirka midig, ereyga waxaa loo adeegsaday jumlad laga helay qoraalka. Turjun ama sharax waxa jumlada macneheedu yahay

Hva er demokrati – ordliste

Kva er demokrati – ordliste

Det er mulig å skrive ut eller bruke innhold fra dette innlegget på flere måter.

Legg merke til at innhold kan være ulikt lisensiert.

Regler for bruk av teksten 

Kilde: Zakariassen, E. S. (2024, 5. mars). Hva er demokrati?. NDLA. https://ndla.no/nb/r/samfunnskunnskap/hva-er-demokrati/d3692431fa

Denne teksten har lisensen CC BY-NC-SA 4.0. Denne lisensen gir deg rett til å dele og bruke dette innholdet på visse vilkår:

  • Du må alltid oppgi hvem som har laget innholdet.
  • Du kan bare dele innholdet med samme lisens som det opprinnelige innholdet.
  • Du kan ikke benytte materialet til kommersielle formål.

Regler for bruk av bilder i teksten

Bildene i denne teksten kan ha ulike lisenser. Les mer om hvert bilde.

  1. Fotografi av en hånd som holder en stemmeseddel delvis inne i sen orange stemmeurnelhROJ0o1.jpg — Stemmeseddel, av Nguyen, S., NTB scanpix. (https://ndla.no/image/46857). CC BY-NC-SA 4.0.

  2. Foto av en blå skive med teksten EU. til høyre står det Ja, og til venstre står det nei. Den røde pila står på nei-sidensx9165b4.jpg — Barometer fra folkeavstemningen om EU viser nei-flertall, av Berntsen, T., VG, NTB scanpix. (https://ndla.no/image/649). CC BY-NC-SA 4.0.

  3. foto av en kvinnehånd som holder fram pekefinger som er merket med blekkAdobeStock_1614862740-1024x645.jpeg — stock.adobe.com

  4. Bilde av elever som slitter i klassen. Noen av dem rekker opp hånda.mzQKd7I5-1024x682.jpg — Elever i klassesituasjon på barneskole., av Kallestad, G., NTB. (https://ndla.no/image/53256). CC BY-NC 4.0.

  5. Sort-hvitt foto av en mann som står i en åpen bil. Det er tett i tett med folk rundt bilen.tacdf6d3.jpg — Hitler på den 5. partikongressen i Nürnberg, 1933, av Heritage, NTB . (https://ndla.no/image/774). CC BY-NC-SA 4.0.

Regler for bruk av lydfiler i innlegget

Lyden i innlegget har lisensen CC BY-NC-SA 4.0. Denne lisensen gir deg rett til å dele og bruke dette innholdet på visse vilkår:

  • Du må alltid oppgi hvem som har laget innholdet.
  • Du kan bare dele innholdet med samme lisens som det opprinnelige innholdet.
  • Du kan ikke benytte materialet til kommersielle formål.