Samene // Samene
Waxaa jira inta u dhaxeysa 60000 ilaa 70000 oo Samene ah. Iswiidhan waxaa deggan ku dhowaad 17 000 oo Saamer ah, Finland waxaa degan ku dhowaad ahaan 7500 saamer Ruushkana ilaa 2000 ayaa deggan. Norway waxaa degan ku dhowaad 40000. Intooda ugu badani waxa ay degan yihiin dhinaca waqooyiga buurta Salt ama magaalooyinka waaweyn, sida tusaale ahaan Oslo.

Samene waa dadka asalka ah
Samene waa dadka asalka ah. Taas macnaheedu waa in ay muddo aad u fog ay ku noolaayeen qeybaha waqooyi ee Norway, Iswiidhan iyo Ruushka. Iyaggu halkaas ayey ku noolaayeen ka hor intii aan la xadayn xuduudaha u dhaxeeya wadamadaas.
Dadka asalka ah badanaa waxa ay leeyihiin dhaqankooda u gaarka ah, kaas oo ka duwan inta kale ee degan waddanka ay ku noolyihiin. Waxaa adduunka ka jira dad farabadan oo asal ah. Tusaale ahaan Kurdidu waa dadka asalka ah wadamada Iiraan, Ciraaq, Suuriya iyo Turkiga.
Tartanka wadida deerada
Tartanka wadida deerada waa ciyaar caan u ah Samene ah haysta deerooyinka. Tartammada qaarkood wuxuu ciyaaryahanku lugta ku haystaa Shii(Ski) oo wuxuu xarig gadaal uga xiraa deerada. Tartammada kale waxaa uu cayaaryahanku ku fariistaa alwaax oo gadaal uga xiran deerada. Deerooyinka ugu dheereeya waxa ay ku ordi karaan 60 km/saacadii. Waxaa la qabanqaabiyaa tartanka wadida deerada ee horyaalnimada Norway iyo kan horyaalnimada wadammada waqooyiga Yurub

Maalinta qaranka Samene ah
Maalinta qaranka Samene waa 6-da febraayo. Maalinta qaranku waxay ka dhaxeysaa Samene ah degan Norway, Iswiidhan, Findland iyio Ruushka. Maalintan waxaa loogu dabaaldegaa si loo xuso shirkii koowaad ee guud oo ay Samenuhu 6-dii
Febraayo 1917 ku yeesheen magaaladda Trondheim. Xilligaas waa markii ugu horeysay oo ay kulmaan Samene ah ka yimid Norway iyo Iswiidhan si ay uga wadashaqeeyaan danaha Samenehu ay wadaagaan.
Maalinta qaranka Sameneh waa maalin calan oo rasmi ka ah gudaha Norway, maalintan waxaa lagu dabaaldegaa oo lagu xusaa calamada Norway iyo Samene ah. Maalintan meelo badan oo gudaha Norway ah ayaa looga dabaaldegaa. Gudaha Tromsø todobaad dhan ayaa laga dabaaldagaa iyada oo la samaynayo xafladdo kala duwan tusaale ahaan ruwaayaddo iyo tartanka deerada. Heesta qaranka ee Samanah waa Sámi soga lávlla, taas oo macnaheedu yahay heesta dadka Samene ah.
Maalinta qaranka Samisk waxaan dhahnaa «Lihku beivviin!» oo macnaheedu tahay «Hambalyo maalintan!»
Calanka Samene ah

Fikirka calanka waxaa looga soo qiyaas qaatay gabay dhaqameedka samene ah kaas oo ka dhiga in ay yihiin wiilashii iyo gabdhihii qorraxda. Goobada ku dhextaal calanka waxa ay calaamad u tahay qoraxda iyo dayaxa.
Golaha shacabka Samene ah ayaa go’aamiya isticmaalka calanka. 6-da febraayo waxaan dhahnaa «Lihku beivviin!» oo macnaheedu tahay «Hambalyo maalintan!»

Luuqadda Samene ah
Luuqadda Samene ah ma ahan hal luuqad, laakiin waa luqado badan ka kooban 11 (kow iyo toban) luqadood oo kala duwan. Luuqadda samene ah waxa ay qaraabo la yihiin luuqadaha finnishka, Estooniyanka iyo Hangariyaanka. Luuqadda Samisk ee waqooyi ayaa ah koox luqadeedka ugu weyn samisk. Samene ah deggan Noorway, Iswiidhan iyo Finland waxa ay isticmaalaan luuqadda samene ah waqooyi. Luuqadda samene ah koonfureed ma ahan luuqad si maalinle ah qoysas farabadani ugu hadlaan. Waxaa xoogaa ka fiican luuqada lulesamisk, sababtoo ah waxaa jira caruur farabadan oo lulesamik lagu baro guriga iyo dugsigga.
Bures (Waxaa loogu dhawaaqaa Bores) macnaheedu waxa ay afka saamiga waqooyi ku tahay ‘’iska waran’’.
Lavvo iyo pulk waa erayo saamisk ah oo aan norwiiji ahaan u isticmaalno.





