La frøet spire! // Daa si uu abuurku u biqlo ama u soo baxo

Daa si uu abuurku u biqlo ama u soo baxo
La frøet spire!

Buugan waxaad ku baraynaysaa abuurka.
Waxaad ku baranaysaa wuxuu yahay abuurku iyo sida uu u baxo marka uu bilaabo inuu koro.
Ka hor intaadan buugga akhriyin , waa inaad eegtaa abuurka oo aad baartaa adoo u fiirsanayaa
Baaritaan/Sahamin
- Abuur noocee ah, ayaad aragtay?
- Xagee ayuu yaalay abuurku? gudaha mise debeda
- Maxaad u malaynaysaa in abuurku ay u kala duwan yihiin?
I denne boka lærer du om frø.
Du får vite hva et frø er, og hva som skjer når frøet begynner å vokse.
Før du leser boka, er det lurt å se på frø og utforske dem.
Utforsk
- Hvilke frø har du sett?
- Hvor var frøene? Var de inne eller ute?
- Hvorfor tror du frø ser forskjellige ut?

Waxaan abuurka ka heli karnaa meelo badan. Abuurku wuxuu ka yimaadaa degaanka.
Wuxuu ku jiri kara abuur cunnada aan cunno dhexdeeda. Dad badan waxay cunaan rooti abuur leh.
(jordbær) ka abuurkoodu wuxuu ku yaallaa kor halka tufaaxuna uu abuurkiisu ku dhex jiro.
Dadka iyo xaywaankuba waxay cunaan abuurka, sababtoo ah wuxuu leeyahay nafaqo badan.
Vi kan finne frø mange steder. Frøene kommer fra naturen.
Det kan være frø i maten vi spiser. Mange spiser brød med frø.
På jordbæret sitter frøene utenpå, og i eplet ligger frøene inni.
Både mennesker og dyr spiser frø fordi de inneholder mye næring.

Abuurku wuxuu yeelan karaa qaabab kala duwan.
Digirta (erter) waa wareeg, abuurka bocorkuna waa fidsan yahay.
Abuurka qaar waxay noqon karaan kuwo qalloocan ama dheer.
Abuurka geedka eeykalka (løvetann) wuxuu leeyahay qaab gaar ah.
Tani waxay ka dhigaysaa inuu abuurka hawadu qaadi karto.
Frø kan ha forskjellige former.
Erter er runde, og gresskarfrø er flate.
Noen frø kan være krokete eller lange.
Frøet til en løvetann har en spesiell form.
Det gjør at frøet kan fly i lufta.

Waa maxay abuurku? Abuurku wuxuu ka kooban yahay qolof, beer iyo nafaqo.
Qoloftu waxay dhowrtaa beerka. Beerkuna wuxuu isticmaalaa nafaqada si uu u biqlo.
Abuurku waa bilowga geed cusub.
Hva er et frø? Frøet består av et skall, en kime og næring.
Skallet beskytter kimen. Kimen bruker næringen for å spire.
Frøet er starten på en ny plante.

Waxaan abuurka ku beeri karnaa dhulka. Abuurku wuxuu u baahan yahay biyo, kulayl ku habboon (heerkul) iyo hawo si uu u biqlo.
Biyuhu waxay abuurka ka dhigaan mid qoyan. Markaasuu abuurku bararaa, qoloftuna waxay noqotaa mid jilicsan.
Markii ay qoloftu jilacdo, beerku wuxuu ka soo bixi karaa qolofta. Abuurku wuxuu bilaabaa inuu soo baxo ama biqlo.
Abuurku wuxuu noqon karaa ubax, miro, khudrad ama geed kale.
Vi kan så frø i jord. Frø trenger vann, riktig temperatur og luft for å spire.
Vannet gjør frøet fuktig. Da sveller frøet, og skallet blir mykere.
Når skallet er blitt mykt, kan kimen komme ut av skallet. Frøet spirer.
Frøet kan bli til en blomst, en frukt, en grønnsak eller en annen plante.

Qaybta ugu horreysa ee ka soo baxda abuurka waa xididka.
Xididku wuxuu hoos u dhex galaa dhulka. Xididku wuxuu soo nuugaa biyaha.
Wuxuu geedka ku hayaa dhulka hoostiisa
Marka uu geedku ka soo baxo dhulka, wuxuu yeeshaa jirid, laamo iyo caleemo.
Jirridda iyo laamaha ayaa caleemaha kor uga qaaddaa dhanka ilayska (iftiinka)
Caleemaha geedka ayaa sameeya nafaqada iyagoo kaashanaya iftiinka qorraxda.
Den første delen som kommer ut av frøet er rota.
Rota vokser ned i jorda. Rota suger til seg vann.
Den holder planten fast i jorda.
Når planten kommer opp av jorda, får den stengel og blad.
Stengelen løfter bladene opp mot lyset. Bladene på planten lager næring med hjelp fra sollyset.

Qaar ka mid ah abuurku si dhakhso ah ayay u soo baxaan (u biqlaan). Kuwa kalena waxay sugaan sannado badan ka hor inta aysan bilaabin inay soo baxaan.
Qaar ka mid ah abuurku, waxay ku soo bixi karaan iftiin la’aan.
Marka abuurku biqlo, geed cusub ayaa bilaabma inuu soo baxdo.
Ka feker oo ka hadal:
Waa maxay shaqada xididka, jirridda, laamaha iyo caleentu?
Noen frø spirer fort. Andre frø venter i mange år før de begynner å spire.
Noen frø kan spire uten lys.
Når frøet spirer, begynner en ny plante å vokse.
Det er slik frø vokser og blir til planter.
Tenk og snakk:
Hva er oppgaven til rota, stengelen og bladene?
La frøet spire! // Daa si uu abuurku u biqlo ama u soo baxo
Illustrasjoner: Mari Helén Holum
Oversettelse til somali og norsk bokmål: Nasir Hassan Behi
Korrektur og lyd på somali og norsk bokmål: Ali Mohamed
Copyright © 2026 · NAFO
Lisensiert under en CC BY-NC-ND 4.0 Navngivelse-IkkeKommersiell-IngenBearbeidelser 4.0 Internasjonal lisens.



Du finner flere flerspråklige faktabøker gratis på morsmål.no ![]()
Der finner du også tilleggsressurser og lydstøtte til faktabøkene.
Copyright © 2026 · NAFO
Lisensiert under en CC BY-NC-ND 4.0 Navngivelse-IkkeKommersiell-IngenBearbeidelser 4.0 Internasjonal lisens.
Lær mer
-
Ordkort: La frøet spire! // Daa abuurku ha bilqee
Ordkort til “La frøet spire!” Skriv ut kortene tosidig for tospråklig versjon. Tekst og lyd på nett.
-
Tips til språkutviklende aktiviteter (ekstern lenke)
På NAFOs hjemmeside har vi samlet tips til ulike språkutviklende aktiviteter som kan brukes uavhengig av fag.










