Hva skjer når kongen dør?// Maxaa dhacaya marka boqorku geeriyoodo (dhinto)?
Fredag 28. august døde Kong Harald. Mange mennesker er lei seg på grunn av det. Du vil se flagg på halv stang, mennesker som kommer med blomster, og voksne som snakker mye om kongen på TV og i nyhetene. I Oslo samlet mange mennesker seg foran slottet for å vise respekt.
Jimcihii 28 ka Agoosto, Boqor Harald ayaa geeriyooday. Dad badan ayaa arrintaas ka murugaysan. Waxaad arki doontaa calanka Norway oo hoos loo dhigay, dad ubaxyo keenaya, iyo dad waaweyn oo si badan uga hadlaya boqorka telefishinka iyo wararka. Magaalada Oslo, dad badan ayaa isugu soo baxay bannaanka qasriga boqortooyada si ay ixtiraam ugu muujiyaan boqorka.



Det er helt vanlig at en konge dør når han blir gammel, akkurat som andre mennesker. Når det skjer, har Norge allerede planer for hva som skal skje videre.
Waa wax caadi ah in boqor dhinto marka uu gaboobo, sida dadka kale oo dhan. Marka ay taasi dhacdo, Norway waxaa hore loo sameeyey qorshayaal la raacayo oo lagu maareeyo waxa dhacaya.
Norway waxay yeelaneysaa boqor cusub


Kronprinsen er kongens sønn. I samme øyeblikk som kong Harald døde, ble kronprins Haakon konge. Den nye kongen har valgt å hete Kong Haakon VIII.
Mye i Norge fortsetter akkurat som før. De voksne som har ansvar for landet, vet hva de skal gjøre. Regjeringen, Stortinget, politiet, skolene, sykehusene og resten av samfunnet fortsetter arbeidet sitt.
Dhaxal suguhu waa wiilka boqorka. Isla markiiba markii Boqor Harald geeriyooday, dhaxal suge Haakon wuxuu noqday boqor. Boqorka cusub wuxuu doortay inuu qaato magaca Boqor Haakon VIII. (sideedaad)
Waxyaabo badan oo Norway ka jira waxay u sii soconayaan sidii hore. Dadka waaweyn ee mas’uulka ka ah waddanka way og yihiin waxa ay tahay inay sameeyaan. Dowladda, Baarlamaanka, booliiska, dugsiyada, isbitaallada iyo qaybaha kale ee bulshada waxay u sii wadayaan shaqadooda sidii caadiga ahayd.
Waa caadi in la murugoodo
Etter at kongen døde, vil mange snakke om ham, tenke på ham og minnes ham. Mange steder kan du se, lese eller høre om Kong Haralds liv. Han har levd lenge, vært med på mye og gjort mye fint for Norge.
Ka dib markii boqorku geeriyooday, dad badan ayaa ka hadli doona, ka fikiri doona, oo xusuusan doona. Meelo badan waxaad ku arki kartaa, ku akhrisan kartaa, ama ka maqli kartaa wax ku saabsan noloshii Boqor Harald. Wuxuu noolaa muddo dheer, wax badan ayuu soo maray, wuxuuna sameeyay waxyaabo badan oo Norway wanaag u taray.

Snart vil det bli holdt en begravelse for Kong Harald. Det vil skje i Oslo Domkirke. Noen mennesker blir veldig triste når en konge dør. Selv om de aldri har møtt ham, føler mange at de kjenner ham. Det er fordi han har vært synlig når det har skjedd viktige, vanskelige og hyggelige ting i Norge. Mange sier at kong Harald var som en bestefar for alle barn og unge i Norge.
Dhawaan waxaa Oslo lagu qaban doonaa aaska Boqor Harald, waxaana uu ka dhici doonaa Kaniisadda Weyn ee Oslo (Oslo Domkirke). Dadka qaarkood aad ayay uga murugoodaan marka boqor geeriyoodo. Inkastoo aysan waligood la kulmin, haddana dad badan waxay dareemayaan inay aqoon u lahaayeen boqorkaya. Taasi waxay sabab u tahay inuu mar walba ka muuqan jiray marka ay Norway ka dhacaan dhacdooyin muhiim ah, kuwo adag iyo kuwo farxad leh. Dad badan ayaa sheegaya in Boqor Harald uu ahaa sida awoowe u wada dhaxeeya dhammaan carruurta iyo dhallinyarada Norway.
Barn kan også reagere forskjellig. Noen blir triste eller bekymret. Andre blir nysgjerrige og har mange spørsmål. Og noen tenker ikke så mye på det. Alle disse reaksjonene er helt vanlige.
Carruurtu si kala duwan ayay uga falcelin karaan. Qaar way murugoodaan ama way wel welaan. Qaar kalena way xiiseeyaan oo waxay qabaan su’aalo badan. Qaarna arrinta wax badan kama fikiraan. Dhammaan fal celinnadan waa kuwo caadi ah oo gebi ahaanba la aqbali karo.


Waad ammaan qabtaa
Selv om du hører at mange snakker om at kongen er død, er ikke Norge i fare. Landet fortsetter å fungere. Du kan gå på skolen, være sammen med venner, leke, gå på trening og gjøre de vanlige tingene du pleier å gjøre.
Inkastoo aad maqasho dad badan oo ka hadlaya geerida boqorka, Norway khatar kuma jirto. Waddanku sii hore ayuu si shaqaynaya. Waxaad qaban kartaa inaad iskoolka aado, la joogito saaxiibbadaa, ciyaarirtid, ka qayb gasho tababarkaaga xiliga firqaada iyo inaad samayn karto dhammaan waxyaabaha caadiga ah ee aad maalin kasta samayso.
Hvis nyhetene gjør deg urolig, kan det være fint å snakke med en voksen du stoler på. Voksne kan forklare det du lurer på, og du trenger ikke følge med på alle nyhetene.
Det viktigste å huske er: Når en konge dør, har Norge en plan. En ny konge overtar, voksne passer på at samfunnet fungerer, og hverdagen vår fortsetter.
Haddii wararku ku welweliyaan, waxaa fiicnaan inaad la hadasho qof weyn oo aad ku kalsoon tahay. Dadka waaweyni waxay kuu sharxi karaan su’aalaha aad qabto, mana aha inaad la socoto dhammaan wararka.
Waxa ugu muhiimsan ee la xasuusan karaa waxa weeye: Marka boqor geeriyoodo, Norway waxay leedahay qorshe hore loo diyaariyay. Boqor cusub ayaa xilka la wareega, dadka waaweynna waxay ilaalinayaan in bulshadu si caadi ah u shaqayso, nolol maal meedkeenuna waxay usii socdaan sidii caadiga ahayd.











