Spotify

....

SIDII KANEECADDU KU TIMID SÁPMI

HVORDAN MYGGEN KOM TIL SÁPMI

forrige
neste
Oversiktsbilde av et lite samfunn som lever nede ved el elv. Flere folk og dyr lever der.

Waqti aad u fog ka hor, waqooyiga fog ee Sápmi, dhowr qoys ayaa ku wada noolaa siida, oo ahayd deegaan yar oo ay dadka Saamigu wada degganaayeen. Siidada waxaa ku noolayd Áhkká, oo ahayd haweeney waayeel ah.

Áhkká waxay ahayd haweeney gaaban, firfircoon oo hawlkarnimo badan. Waxay ku noolayd guri carro ka samaysan oo dhulka hoostiisa laga qoday oo la yiraahdo gamme, iyadoo la joogtay qoyskeeda iyo eygooda Ránne, kaas oo carruurtu aad u jeclaayeen inay la ciyaaraan. Gurigu wuxuu ku yaallay agagaarka webi, halkaas oo qoysku ka soo dhaansan jireen biyo, isla markaana ay ka kalluumaysan jireen

For lenge siden, langt mot nord, i Sápmi, bodde det flere familier sammen i en siida, en liten landsby. I siidaen bodde det en Áhkká, en gammel kone. Áhkká var liten, rask og driftig. Hun bodde i en jordgamme sammen med familien sin og hunden Ránne, som barna elsket å leke med. Gammen lå ved siden av en elv, der familien hentet vann og fisket.

forrige
neste
En gammel dame ser opp mot himmelen. På himmelen er en sekk.

Maalin maalmaha ka mid ah, iyadoo Áhkká joogtay webiga agtiisa si ay biyo uga soo dhaansato, ayaa cirka furmay, waxaana horteed yimid Abuuraha dhulka.

Abuuraha dhulku wuxuu markaas uun abuuray kaneecada. Kaneecooyin badan ayuu ku riday jawaan, ka dibna si adag ayuu ugu xiray guntin labanlaab ah. Wuxuu jawaankii siiyay Áhkká isaga oo aan u sheegin waxa ku jira, wuxuuna ka codsaday inay si fiican u ilaaliso.

Áhkká way uga mahadcelisay kalsoonida uu siiyay, waxayna qaadatay jawaankii. Waxay ballanqaadday inaysan waligeed furi doonin, isla markaana aysan qof kale siin doonin.

En dag da Áhkká var nede ved elven for å hente vann, åpnet himmelen seg, og jordens skaper kom ned til henne.

Jordens skaper hadde nettopp skapt myggen og puttet hele myggsvermen i en sekk og knytt den stramt igjen med dobbeltknute. Han ga sekken til Áhkká, uten å fortelle henne hva som var inni den, og ba henne om å passe godt på den.

Áhkká takket for tilliten og tok imot sekken. Hun lovet at hun aldri skulle åpne den eller gi den til noen andre.

forrige
neste
Bildet viser en dame i tre ulike aktiviteter. Hun sover og har en sekk under hodet. Hun spikker på en pinne med sekken ved siden av seg, og hun gjør et typisk samisk håndarbeide med sekken ved siden av seg.

Áhkká waxay jawaankii la tagtay gurigoodii carrada ka samaysnaa, waxayna si aad iyo aad uga ilaalin jirtay carruurta iyo eyga inaanay gacanta ku dhigin. Sidaas darteed waxa ay u qaadan jirtay meel kasta oo ay tagto.

Waxay dibadda ula bixi jirtay marka ay shaqaynayso, habeenkiina marka ay seexanayso waxay jawaanka dhigan jirtay madaxa hoostiisa oo barkin ahaan ayay u isticmaali jirtay.

Laakiin mar kasta waxay maqli jirtay wax ku dhex jira jawaanka oo guuxaya isla markaana samaynaya dhawaaqyo.

Áhkká tok med seg sekken til gammen og passet godt på den slik at verken barna eller hunden fikk tak i den. Derfor hadde hun den med seg overalt. Hun tok den med seg ut når hun skulle jobbe, og når hun skulle sove, la hun den under hodet og brukte den som hodepute. Men hele tiden kunne hun høre at noe i sekken summet og laget lyder. 

forrige
neste
En gammel dame sitter i et nordlig landskap. Hun holder en sekk i hånden og hysjer på den.

Áhkká aad bay u xiisaynaysay inay ogaato waxa ku dhex guuxaya jawaanka. Waxay jeclayd inay fiiriso waxa ku jira, laakiin waxay xusuusatay inay ballanqaadday inaanay furin.

Kaneecooyinkii waxay habeen iyo maalinba sawaxan iyo dhaqdhaqaaq ka wadeen jawaanka, Áhkkána si joogto ah ayay uga daashay guuxooda.

“Fadlan aamusa,” ayay ku tiri jawaanka iyadoo aamusinaysa. Laakiin kaneecooyinka looma abuurin inay si maxaabiis ah ku noolaadaan. Waxay sii wadeen guux iyo wareeg habeen iyo maalinba. Marnaba nabad lagama helayn.

Áhkká var veldig nysgjerrig på hva som summet i sekken. Hun ville gjerne kikke, men husket at hun hadde lovet å ikke åpne den.

Myggen holdt liv og røre i sekken døgnet rundt, og Áhkká ble stadig mer lei av summinga.  

– Vær så snill, vær stille, hysjet hun på sekken. Men myggen var ikke skapt for et liv i fangenskap. De fortsatte å summe og svirre natt og dag. Det var aldri fred å få. 

forrige
neste
Damen sitter med sekken i fanget. Hun har åpnet sekken og ut flyr noen få mygg.

Ugu dambayntii iyadu uma adkaysan karin. Waxay qasab ku noqotay inay ogaato waxa sameynaya dhawaaqyada ka imanaya jawaanka.

-Waxaa sax iyo caddaaladba ah inaan ogaado waxa aan dhab ahaantii ilaalinayo, ayay Áhkká is tiri.

Markaasay si taxaddar leh u furfurtay xariggii ku wareegsanaa jawaanka, si ay u aragto waxa ku jira.

Til slutt holdt hun ikke ut lenger, hun måtte finne ut hva som lagde lydene i sekken.

– Det ville vel være både rett og rimelig å få vite hva jeg egentlig passer på, tenkte Áhkká.  Hun løsnet forsiktig på snora rundt sekken, slik at hun kunne se hva som var inni den.

forrige
neste
Damen løper etter mygg som flyr. Hun holder sekken i hånden.

Isla markiiba, ka hor intaanay ogaan waxa dhacay, ayaa kaneecooyinkii ka soo dhex duuleen jawaankii. Kaneecooyinku waxay u kala firdheen dhinac kasta, waxayna qaniineen dadka iyo xayawaankaba!

Áhkká aad bay u naxday! Waxay daba carartay kaneecooyinkii, iyadoo isku dayaysa inay mar kale ku celiso jawaanka, laakiin taasi gebi ahaanba ma suuragelin, sababtoo ah aad bay u badnaayeen, isla markaana aad bay u yaraayeen.

Kaneecooyinkii way xoroobeen!

Før hun visste ordet av det, fløy det mygg ut av sekken. Myggen svermet til alle kanter og stakk både mennesker og dyr!

Áhkká ble helt forskrekket! Hun løp etter myggen og prøvde å fange dem i sekken igjen, men det var helt umulig, fordi de var så veldig mange og så bittesmå.

Myggen var fri! 

forrige
neste
Et landskap som viser en elv, fjell, reisdyr, rev, fugl med en mygg i munnen og en gammel dame som vifter bort mygg.

Markii uu Abuuraha dhulku Áhkká ka codsaday inay ilaaliso jawaanka, wuxuu hore u ogaa inay si dhakhso ah uga daali doonto oo ay kaneecooyinka sii dayn doonto.

Inkasta oo kaneecooyinku ay dhib ku yihiin dadka iyo xayawaanka, haddana faa’iido ayay u leeyihiin. Shimbiraha iyo kalluunka, kaneecooyinku waa cunto muhiim ah, sidoo kale waxay ka caawiyaan ubaxyada iyo dhirta kale inay tarmaan oo ay faafaan.

Kaneecooyinku waxay sidoo kale yihiin kaaliyaha wanaagsan ee dadka saamiga. Waxay ka caawiyaan ururinta lo’da, deerada iyagoo deerada ku erya buuraha dhaadheer, halkaas oo ay isku ururaan.

Den gangen da jordens skaper ba Áhkká om å passe på sekken, skjønte han at hun fort ville bli lei og slippe myggen fri. 

Selv om mygg kan være plagsomme for mennesker og dyr, er de også nyttige. For fugl og fisk er mygg nødvendig mat, og myggen hjelper blomster og andre vekster med å spre seg.

Myggen er også samenes biigá, samenes gode hjelper. De hjelper til med å samle reinflokken ved å jage reinsdyrene til høyfjellet.

forrige
neste
En hund "smiler" Rundt den er det mange mygg. En mygg har to staver i "hendene". En mygg sitter på snuten til hunden.

Tan iyo maalintii Áhkká furtay jawaanka, oo ay kaneecooyinku ka baxsadeen, kaneecooyinku waxay ku soo noqdaan Sápmi xagaa kasta.

Waxaa la sheegaa in kaneecadu mar walba soo noqoto ku guda jirka Sankthans, xitaa haddii ay khasab ku noqoto inay ulo adeegsato si ay ku soo gaarto.

Sidaas ayaanay ku dhacday in kaneecooyinku yimaadaan Sápmi!

Helt siden den gangen Áhkká åpnet sekken, og myggen kom seg ut, har myggen kommet tilbake til Sápmi hver eneste sommer.

Det sies at myggen alltid kommer tilbake innen Sankthans, om den så må ta staver til hjelp for å komme frem.

Og slik gikk det til at myggen kom til Sápmi!

forrige
neste

Hvordan myggen kom til Sápmi//Sidii kaneecaddu ku timid Sápmi

Illustrasjoner: Gunnlaug Ballovarre

Forsidedesign: Mari Helén Holum

Utgitt av Nasjonalt senter for samisk i opplæringa og Nasjonalt senter for flerkulturell opplæring

Den samiske fortellertradisjonen har blitt tatt vare på gjennom muntlig overlevering i flere generasjoner. Denne versjonen av fortellingen er en gjendiktning av et tradisjonelt samisk eventyr. Enkelte ord i denne fortellingen er på nordsamisk.

Oversettelse til somali og norsk bokmål:  Sid Omar Mohamud Ahmed

Korrektur og lyd på somali og norsk bokmål: Ali Mohammed

ISBN:

Copyright © 2026 · Nasjonalt senter for samisk i opplæringa · Nasjonalt senter for flerkulturell opplæring

Lisensiert under en CC BY-NC-ND 4.0 Navngivelse-IkkeKommersiell-IngenBearbeidelser 4.0 Internasjonal lisens.

Du finner flere flerspråklige fortellinger gratis på morsmål.no/fortellinger morsmal logo
Der finner du også tilleggsressurser og lydstøtte til fortellingene.

Copyright © 2026
Nasjonalt senter for samisk i opplæringa
Nasjonalt senter for flerkulturell opplæring

Lisensiert under en CC BY-NC-ND 4.0 Navngivelse-IkkeKommersiell-IngenBearbeidelser 4.0 Internasjonal lisens.